7 Siyaabood oo Fudud Oo Aad Guul ku gaadhi Ku Gaadhi Karto Noloshaada

Community Developer
0

Sideen u qeexnaa guulaheena ?

Guushu ma inaad haysatid baa jago wayn oo uu kaaga dhisan yahay guri wayn oo aan caadi ahayn, inaad guursatid gabadh qurux badan caan ka ah degamada aad ku nooshahay, inaad dhasho caruur badan, wiilal iyo gabdho, inaad wadato gaadhi qaaliya oo aad u dheereeya 

Dhab ahaantii waxyaabaas maaha qiyaasaha guusha.

Qofka guulaystey waa qofka dejista ama samaysta hadafyo iyo dedaalo nololeedo oo noloshiisa ku horumarinayo kana midho dhaliya ee dhamaystira badanaana waxay u baahan adkaysi, dedaal, go,aan, iyo dhabar-adayg.

Dhisida fikiro, hal-abuurka, hibooyinka, iyo horumarada adiga kuu gaarka ah waxay u baahan yihiin karti, iyo dedaal naf huris ah iyo inaad daaha ka qaato awoodahaaga si aad u rumayso riyooyinkaaga kana  midha-dhaliso inaad guul ka gaadho noloshaada.

Dadkalena waxa ay ku qeexaan guushu inay tahay farxad iyo dhamaystir iyo inuu nolosha gaadho meeqaamo sare iyo guulo waxyaabahaas oo dhana waa ku khuuseeya guusha, 

Qofka oo aduunka ku nool waxa jecelyahay ama raadiyaaa inuu nolosha guul ka gaadho.

Hadaba waxa jira waxyaabo kaa saacidaaya ama kaa sahlaya inaad inaaad guul ka gaadho noloshaada waxana ka mida kuwan hoos ku qoran ee ka faa’idaysi wacan.


1. Noqo mid doorasho leh

Qofku hadii aanu lahayn hibo, xirfad, shay ama horumar dareenkiisa ah oo jecelahay inuu sameeyo, ama uu ka midha-dhaliyo waxa uu la mid yahay nin lataliye tiknoolajida oo rabay inuu noqdo guudooyiye koox heesta. Mana laga yaabo inuu ku qacno ama horu-mar guul ka gaadho markaa waxa ugu muhiimsan ee qofku baahan yahay si u guulaysto waxa ka mida shayga aad rabto inaad horu-mar ka gaadho ha noqdo hobigaaga, jacaylkaaga, dareenkaaga, iyo hibadaada.

Hadii aad rabto inaad naftaada guul gaadhsiiso shayga aad samayso ha noqdo shay naftaadu xiisaynayso.


2. Ku Dedaal Riyooyinkaaga

Weligaa ha ka biqin shay riyadaada ah oo aad jeceshay inaad naftaada ama noloshaada ku horumariso, samee dedaal, isku dayid, kalsooni sii naftaada, iskana saar cabsida iyo wahsiga iyo dib u dhigashada noqona qof dedaal badan oo karti iyo adkaysi muujiya mar walba.

Ma jiro qof meel sare gaadha isagoo aan dedaal samayn hadii aad cunto oo cabto seexato soo toosto weligaa meeshada ayad joogaysaa..


3. Noqo Qof Wanaagsan

Noqo qof wanaagsan oo ku dedaala markasta inuu sameeyo wax wanaagsan oo dadku kaga dayday. Ku riix dadka kugu hareeraysan waxyaabaha wanaagsan, waxa aad heli doontaa ixtiraam, kalsooni iyo jacayl taas oo kuu sahli doonta inaad noloshaada guul ka gaadho.


4. Diirada Saar Guushaada

Noqo mid markasta beegsada ku delaala mahigiisa iyo riyooyinkiisa isaga oon fiirinayn xagiisa danbe iyo riyooyinka dadka kale beegso riyada aad adigu jeceshay kuna delaal sidii aad u rumayn lahayd awoodadana daaha uga qaadi lahaynd adoo higsanaaya himiladaada.

Guulaystayaasha dhabta ahi waxa ay abuuraan aragti, wayna qeexaan himiladooda, si hagar la’aanana way u wadaan ilaa ay dhamaystiraan..


5. Ka Gudub Caqabadaha 

Dad aad u badan ayaa ula il-daran inay ku dhiiradaan oo tallaabooyinka lagama maarmaan ka ah ee ay noloshooda ku hor-marin karaan kana cabsanaya caqabadaha ka hor imanayaa markaa noqo qof kartile oo jebiya derbiyada carqaladaha ee ka hortaagan in aad himiladaada iyo riyooyinkaaga hadafkaaga iyo yoolkaga gaadho. 


6. Fikir yeelo

Samayso habab iyo fikiro qurux badan oo aad ugu socdaasho guushaada iyo rumaynta hamigaaga, riyooyinka iyo hadafkaaga nololeed , fikraduhu waxa ay kaadhigi doonaan qof hal-abuurleh oo guulaystey.


7. Yeelo hal-adayg

Markasta noqo qof ku adag rumaynta iyo ka gun-gaadhida hamigiisa, fikiradiisa iyo himilooyonkiisa adigoo kaashanaya dedaal, iyo kartidaada hana ka laba-labaynin waxa uu hamigaagu yahay wad guulaysan doontaa hadii dedaasho.

Waxa laga yaabaa inaad la kulunto guuldarooyin laakiin yaan caqabaduhu kaa adkaan, si aad u ogaato qofka aad tahay marat badan samee isku day aakhirka wad guulaysan doontaa.


Hadaba xusuusnoow: maadaama aan nahay dad islaam ah waxa laynooga baahanyahay si aan nafteena guul u gaadhsiino in aan alle tallo saarano u camal Falno ka dibna muujiyo karti iyo dedaal si aan nolosha u guulaysano if iyo aakhiraba.




Post a Comment

0Comments

Please Select Embedded Mode To show the Comment System.*

#buttons=(Accept !) #days=(20)

Our website uses cookies to enhance your experience. Check Now
Accept !